
Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko.
Arsenal hadda ma rabto inay bixiso €80-100m oo ay RB Leipzig ka dalbatay Benjamin Sesko. Ma jiro weli wax dalab rasmi ah oo ka yimid Arsenal.
Arsenal Iyo wakiilada xiddiga ayaa si joogto u xidhiidha laakiin wali lama gaadhin heshiiska shaqsiga ah.
Gunners ayaa dhinaca kale si dhaw ula socota xaalada Victor Gykeres iyada oo aan wali go’amin xiddiga ay u dhaqaaqi doonto.
Arsenal ayaa si aad ah ugu baahan weeraryahan si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto horyaalka premier League.
Be the first to comment