Marcelo Oo Xiddig La Yaab Leh U Saadaaliyay Abaalmarinta Ballon d’Or 2025.

Halyeeyga Real Madrid, Marcelo, ayaa doortay ciyaartoyga ku guuleysanaya Ballon d’Or 2025.

Laacibka reer Brazil ayaa hadlay ka dib ciyaar halyeeyada Real Madrid ay sabtidii la yeesheen halyeeyada Borussia Dortmund.

Halyeeyada Real Madrid ayaa barbaro 3-3 ah la galay dhigooda Dortmund ciyaartan samafalka ah.

Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, daaficii hore ee bidix ayaa la weydiiyay cidda uu u maleynayo inay ku guuleysan karto Ballon d’Or.

“Yaa ku guuleysan kara Ballon d’Or? Cristiano Ronaldo,” Marcelo ayaa si fudud ugu jawaabay sida laga soo xigtay Madrid Zone.

Ronaldo ayaa dhaliyay 25 gool xilli ciyaareedkii hore si uu markale ugu soo baxo gool dhalinta horyaalka Saudi Pro League.

Kabtanka Portugal ayaa u socda inuu ku guuleysto horyaal kale oo Nations League ah, ka dib markii uu Portugal ku hogaamiyay finalka, halkaasoo ay ku wajihi doonaan Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga