Mikel Arteta: Hadii Aad Doonayso Ku Guulaysiga Koobabka Waa In Aad Halkan Arin Ku Fiicnaato.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa fariin u diray kooxdiisa ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Arteta Iyo kooxdiisa ayaa xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.

Arsenal ayaa la filayaa in ay si weyn uga dhex muuqato suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u xoojiso kooxda ka hor xilli ciyaareedka.

Arteta ayaa kooxdiisa u sheegay in ay u baahanyihiin in y si fiican uga dhexmuuqdaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Haddii aad rabto inaad ku guuleysato koobab waaweyn, waa inaad noqotaa kuwa ugu fiican suuqa”ayuu Arteta yidhi.

“Kooxaha guuleysta waxay heystaan ​​ciyaartoyda ugu fiican, had iyo jeer, heerkan”ayuu ii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga