
Liverpool ayaa barbareyn karta rikoorka kubada cagta Ingariiska oo ay dhigteen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United marka ay axada Wembley ku wajahaan Newcastle United finalka EFL Cupka.
Reds ayaa laga yaabaa inay aragtay rajadooda hanashada Champions League oo burburtay kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda PSG wareegii 16-aad ee ugu dambeeyay, laakiin Arne Slot ayaa weli ku dhameysan kara xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay isagoo labo koob oo maxalli ah heysta.
Kooxda uu hogaamiyo macalinka reer Holland ayaa hogaanka u heysa horyaalka Premier League, iyagoo 15 dhibcood ka sareeya Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad, waxaana ay ciyaari doonaan final Carabao Cup-ka.
Liverpool ayaa 10-ka koob oo Carabao Cup-ka ah qaaday waxana ay ka badanyihiin koox kasta oo kale taariikhda, kooxda Merseyside ayaa sidoo kale qaaday sideed koob oo FA Cup ah wadar ahaan 18 koob oo maxali ah.
Hadii uu Slot kooxdiisa ku hogaamiyo guul ku Guulaysiga Carabao Cup-ka waxa ay bar-barayn doonaan 19 koob ee maxaliga ah.
Red Devils ayaa ku guuleysatay 13 koob oo FA Cup ah iyo lix koob oo EFL Cup ah sanadihii lasoo dhaafay, iyagoo gaadhay 19 koob oo maxali ah
Be the first to comment