Waa Maxay Sababta Uu Arteta Uga Ciyaarsiiyo Weerarka.

Mikel Arteta ayaa doonayay in ciyaartoydiisa ay “dhibaatoodaan” 24-28 saacadood” ka dib guuldaradii 1-0 ee Sabtidii ka soo gaartay West Ham.

Marka taas la sameeyo, dareenkoodu waxa uu u jeedsanayaa kulanka Nottingham Forest Arbacada kulan ka tirsan premier league.

Liverpool ayaa ku dhamaatay ku Guulaysiga Premier League Kadib markii ay garaaceen kooxda Man City.

Reds ayaa 11 dhibcood ku hogaaminaya premier League waxana ay ugu cad-cadyihiin ku Guulaysiga Horyaalka.

Muhiimada Arsenal ayaa haatan ah in ay Xaliso Dhibaatada Weerarka ka Hor Kulanka Forest.

Mikel Merino, oo khadka dhexe ka ciyaara ayaa loo adeegsatay weerarka tooska ah kulankii West Ham waxana uu la kulmay dhaleexayn xoogan.

Laakiin waa in uu Arteta muhiimda siigo in uu Mikel Merino ka sii ciyaaro weerarka sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig Hayn Kara kubada marka loo bar-baro dhigo xiddigaha kale ee Trossard iyo sterling.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga