Kyle Walker Oo Doortay Halkan Uu Ka Ciyaarayo Marka Uu Ka Tago Man City

TBR Football ayaa si gaar ah shaaca uga qaaday in wakiilada Kyle Walker ay ku wargeliyeen Saudi Pro League inuu doonayo inuu sii joogo Yurub ka dib marka uu ka Tago kooxda suuqa January.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Walker uu doonayo inuu ka ciyaaro dibadda isagoo dhawaan u sheegay inuu doonayo inuu ka tago City agaasimaha ciyaaraha Txiki Begiristain.

Kyle Walker ayaa saxiixay qandaraas laba sano ah oo ku eg ilaa 2026 ka dib markii uu ku guuleystay seddexleydii garoonka Etihad Stadium.

Laakiin TBR Football ayaa hore u xaqiijisay in Manchester City ay diyaar u tahay inay iska iibiso Walker.

Xiddiga reer England ayaa haatan xiiso ka helaya kooxaha Ac Milan, Real Madrid iyo Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga