![image_2025-01-10_113646414](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/01/image_2025-01-10_113646414.png?resize=678%2C381&ssl=1)
Kooxda Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Abdukodir Khusanov sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man City ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga Abdukodir Khusanov.
Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa si Rasmi ah ogolaasho u siiyay maamulka kooxda in ay dhamaystiraan heshiiska.
Xiddiga Abdukodir Khusanov ayaa mar hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man City.
Abdukodir Khusanov ayaa doonaya in uu sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Man City.
Be the first to comment