Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay heshay fursad ay dib ula soo saxiixan karto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Douglas Luiz.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ka tagaya Aston Villa xagaagii isaga oo ku biiray kooxda Juventus.
Si kastaba ha ahaatee, 26 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu sameeyo saameyntii la rabay intii uu joogay kooxda Thiago Motta isaga oo ciyaaray kaliya 354 daqiiqo tartamada oo dhan.
Iyada oo daqiiqadahaas uu ka ciyaaray 13 kulan waxa muuqata in aanu xiddigu ka mid ahayn qorshaha kooxda Juventus.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda reer Talyaani ayaa diyaar u ah inay u ogolaato Luiz inuu ku laabto Premier League ka hor dhamaadka bishaan.
Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kooxdii hore ee Man City ay ka mid tahay seddex kooxood – labada kale oo aan la magacaabin – kuwaas oo la siiyay fursad ay ku helaan adeegiisa.
Be the first to comment