Salah, Trent Alexander-Arnold, Lewandowski, Van Dijk, Nunez Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxo badan doonayaan saxiixyo usub.

Kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa u dadaali doona sidii ay xiddigo cusub ugu soo dari lahaayeen kooxdooda.

Xiddigo badan ayaa isku badali doona kooxaha iyaga oo doonaya in ay helaan boosas joogta ah oo ay ka ciyaaraan.

Hadaba halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sheegay in uu wali aad uga fogyahay in uu heshiis cusub u saxiixo Liverpool (Echo).

Kooxda Real Betis ayaa rajeyneysa inay amaah kula soo saxiixato garabka Manchester United Antony Bisha January, waxaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan mushaarka xiddiga si ay u dhamaystiraan heshiiskiisa (ABC).

Real Madrid ayaa rajeyneysa inay lasoo saxiixato daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold Bisha January laakiin waxay si farxad leh sugi doontaa ilaa xagaaga si ay beeca xorta ah kula soo wareegto hadii loo baahdo. (MARCA).

Alexander Isak ayaa diyaar u ah inuu iska diido Arsenal oo uu la sii joogo Newcastle United haddii Magpies ay u soo baxdo Champions League mar kale. (The Sun).

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayer Leverkusen ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City James McAtee. (The Mail).

Robert Lewandowski ayaa uga digay kooxda Barcelona in uu isaga tagi doono xagaaga hadii ay la soo saxiixato Weeraryahan kale (El Nacional).

Christopher Nkunku ayaa doonaya inuu ka tago Chelsea bisha January Arsenal ayaana ah koox uu ku biiri karo xiddiga reer Ferance (Caughtoffside).

AC Milan ayaa la xiriirtay Liverpool iyaga oo heshiis amah ah kaga doonaya Darwin Nunez. Kooxda Serie A ka dhisan ayaa dooneysa inay bixiso €5m oo u dhiganta (£4.2m) ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin xiddiga 45 milyan xagaaga Liverpool ayaana ka fiirsaneysa inay aqbasho. (AC Milan TMN).

Dhinaca kale ee Milan, Inter ayaa rajaynaysa inay si xor ah kula soo saxiixato daafaca dhexe ee Liverpool Virgil van Dijk xagaaga, inkastoo mushaharkiisa badan uu caqabad ku noqon karo (Fichajes).

Manchester City ayaa Liverpool kaga hormartay tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad Martin Zubimendi. (ESPN).

Kooxaha Man United Iyo Man City ayaa doonaya saxiixa xiddiga Dani Olmo kadib markii ay Barcelona ku fashilantay in ay diwaan galiso xiddiga qaybta dambe ee xilli ciyaareedka (Mundo Deportivo).

Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay in aanu Meesha ka saari Karin in uuna ka tagi doonin kooxda Al-Nassr suuqa xagaaga ama January (Marca).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga