Kai Havertz ayaa laga yaabaa in uu Champions League ku soo qaaday Chelsea, isagoo xitaa dhaliyay goolkii guusha finalkii, laakiin wuxuu sheegay in ku biirista Arsenal ay tahay ‘waxa ugu fiican ee uu sameeyay.
Havertz wuxuu jabiyay rikooro dhowr ah markii uu ku soo biiray Bayer Leverkusen, isagoo noqday kooxdii ugu da’da yaraa abid ee Bundesliga iyo dhibcahooda ugu da’da yar taariikhda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa weli heysta rikoorka inuu yahay ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaaro 50 iyo 100 kulan oo Bundesliga ah.
Laba xilli ciyaareed oo cajiib ah oo uu ku sugnaa Leverkusen ayaa u horseeday xiisaha weyn ee Yurub oo dhan, Chelsea ayaana saxiixiisa ku guuleysatay 2020.
Waqtigaas Havertz wuxuu ahaa saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa abid ee Chelsea ka dib goolhayaha Kepa Arrizabalaga laakiin waxa uu si weyn hoos ugu dhacay Stamford Bridge, isagoo u dhaliyay 32 gool 139 kulan oo uu u saftay Blues.
Ku guuleysiga Champions League iyo waliba dhalinta goolka guusha kulankii Man City ayaa mar walba ah mid uu xasuusnaan dooo laakiin waxa uu si weyn ugu fashilmay in uu halyeey ka noqdo Blues.
Havertz ku biiray Arsenal waxana uu ilaa haatan u dhaliyay kooxda 23 gool 71 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.
Havertz ayaan wali wax koob ah kula guulaysan Arsenal hadana xiddiga ayaa rumaysan in ku biirista Arsenal ay tahay wixii ugu fiicnaa ee uu sameeyay xirfadiisa.
“Waxaan halkaan joogay wax ka badan hal sano, laakiin waxaan dareemayaa in aan muddo dheer joogay”ayuu Hevertz yidhi.
“Si fiican ayaan u garanayaa qof kasta waxa aan dareemayaa in aan joogo gurigayga”.
“Waan ku raaxeeyaa ilbiriqsi kasta. Aniga ahaan waa waxa ugu wanaagsan ee aan sameeyay xirfadayda, Aad ayaan ugu faraxsanahay taageerada qof kasta oo i caawiyay intii aan joogay”.
Be the first to comment