Kulanka ugu dambeeya ee Merseyside derby ee Goodison Park ee u dhexeeya Everton iyo Liverpool ayaa dib loo dhigay sabab la xidhiidha duufaano dhacay.
Dabaylo iyo roobab xooggan ayaa ku dhuftay xeebaha galbeed taas oo keentay in la kansalo kulanka oo qorshaysnaa maanta oo sabti ah.
Everton ayaa soo galisay X:”Kulankii Merseyside derby ee Goodison Park U qorshaysnaa ayaa dib loo dhigay sabab la xidhiidha cimilada oo xun”.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood iyo taageerayaashoodu si weyn u sugayeen maadama ay si weyn ugu xafiiltamaan magaalada.
Kulanka ayaa la filayaa in la ciyaaro wakhti dambe oo xilli ciyaareedka ah.
Be the first to comment