Rodri Oo Shaaciyay Wakhtiga Uu Dhaawaca Ka Soo Laabanayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka soo laabto dhaawaca jilibka ah ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laacibka difaacanaya abaalmarinta Ballon d’Or ayaa dhaawac halis ah kasoo gaaray jilibka intii lagu jiray kulankii ay City barbaraha 2-2 la gashay Arsenal 22kii september.

Kooxda Barcelona ayaa si weyn u dhibaatootay maqnaanshaha xiddiga khadka dhexe iyada oo laga badiyay 5 kulan bishii November.

Wararka wanaagsan ee taageerayaasha kooxda heysata Premier League, Rodri wuxuu ku rajo weyn yahay soo kabsashadiisa. “Bartilmaameedkaygu waa inaan soo laabto xilli ciyaareedkan”ayuu yidhi.

Warkan ayaa tartan adag ugu jirta difaacashada tartanka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga