Tan iyo sanadkii 2000, kaliya seddex ciyaaryahan ayaa dhaliyay ama caawiyay goolal ka badan Cristiano Ronaldo.
Intii uu ku guda jiray xirfadiisa quruxda badan, Ronaldo waxa uu dhaliyay 910 gool, waxaana uu sameeyay 256 caawin 1251 kulan oo uu u saftay koox iyo wadan.
Taasi waxa ay la macno tahay in Ronaldo uu ku lug lahaa gool cel-celis 0.93% ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed.
Tan iyo sanadkii 2000, waa kuwan seddexda ciyaaryahan ee ku faanaya in ay ka badan yihiin Ronaldo ku lug lahaanshaha goolasha.
Erling Haaland:
In uu bar-bareeyo rikoodhka gool dhalinta Ronaldo ma ahan mid macquul ku ah xiddigaha kubada cagta laakiin hadii uu Haaland sii wado gooldhalinta cajiibka ah waxa uu dhaafi karaa rikoodhka Ronaldo.
Intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, Haaland waxa uu dhaliyay 278 gool waxa uuna caawiyay 53 kaliya 335 kulan oo uu u saftay kooxda iyo wadankiisa.
Taas ayaa la macno ah in uu celcelis ahaan 0.99 ku lug leeyahay goolasha waana rikoodh ka fiican Midka uu Ronaldo sameeyay xirfadiisa ciyaareed.
Kylian Mbappe:
Mbappe ayaa taageero u ah Ronaldo hadii uu ku sii socdo sida haatan xiddiga reer France ayaa dhaafi kara CR7 Caawinta iyo waliba dhalinta goolasha.
Ilaa hadda, Mbappe ayaa dhaliyay 339 gool, waxaana uu sameeyay 139 caawin 470 kulan oo uu saftay. Taasi waxay la macno tahay in uu hadda celcelis ahaan sameeyay 1.02 gool ciyaar kasta xulkiisa iyo kooxdiisa.
Lionel Messi:
Tan ilaa 2000, Ma jiro xiddig ka badan Messi ku lug lahaanshaha Goolasha caawinta ama Dhalinta goolasha.
Haatan Messi ayaa dhaliyay 850 gool halka uu caawiyay 379 gool marka laga hadlayo xulkisa iyo kooxaha uu u soo ciyaaray.
Be the first to comment