Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Ryan Gravenberch ayaa ka yaabiyay Gary Neville heerka qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.
Gravenberch ayaa ku soo biiray Liverpool sanadkii 2023 waxana uu kooxda kaga soo biiray Bayern Munich iyada oo laga soo bixiyay lacag dhan 34 milyan oo euro.
Xiddiga reer Netherlands ayaan wax saamayn ah ku yeelan Liverpool xilli ciyaareedkii hore laakiin xilli ciyaareedkan Slot ayaa qaab ciyaareed cajiib ka soo saaray xiddiga khadka dhexe.
Tan iyo markii uu Slot la wareegay xagaagii, Gravenberch wuxuu u soo baxay inuu yahay awood dhab ah oo khadka dhexe ah Liverpool, oo shan dhibcood ku haysa hogaanka Premier League ka dib 11 kulan.
“Gravenberch aad ayuu iiga yaabiyay sida wanaagsan ee uu u ciyaaray bilowgii xilli ciyaareedkan”ayuu yidhi.
“Uma maleynayo in uu jiro qof filanayay inuu u fiicnaado sida uu u ciyaarayo, Curtis Jones isna aad buu u wanaagsanyahay”.
“Chris Wood oo sideed gool dhaliyay waa inuu ku jiraa seddexda ugu sareysa, Liam Delap oo lix gool u dhaliyay Ipswich. Lama yaabin Danny Welbeck, aad ayuu u fiican yahay – qaab ciyaareedkiisa hadda wuu ka fiican yahay ciyaaryahan kasta oo hadda [Manchester] United ah xilli ciyaareedkan, xiddiga Aston Villa ee Morgan Rogers ayaa sidoo kale qaab ciyaareed fiican ku jira”.
“waxa aan Midka 1-aad u dooran doonaa Wood, Delap midka 2-aad iyo Gravenberch oo ah midka 3-aad”.
Be the first to comment