Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Loo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Premier League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican premier League.

Isaga oo Emirates uga soo dhaqaaqay West Ham lacag aad u badan oo 105 milyan ah bishii July 2023, Rice ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

25-sano jirkaan ayaa kasoo muuqday ciyaar kasta oo horyaalka ah oo uu u ciyaaray Gunners xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku lug lahaa 17 gool tartamada oo dhan waxana uu fure u noqday kooxda Mikel Arteta.

“Declan Rice waa ciyaaryahanka ugu fiican Ingriiska ee Premier League”ayuu yidhi.

“Farqi weyn ayuu u sameeyaa kooxaha uu ka ciyaaro, haddii uu u ciyaaro England ama Arsenal”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga