Iniesta, Henry & 15-ka Xiddig Ee Aan Waligood Ku Guulaysan Abaalmarinta Ballon d’Or

Ballon d’Or waa abaal marinta shaqsiga ah ee ugu sharafta badan kubada cagta.

Inkasta oo markii hore la gudoonsiin jiray xiddigaha ka ciyaara Yurub hadana Haatan waxa loo aqoonsanyahay abaalmarinta ay xiddigaha adduunka oo dhan fursad u haystaan.

Laga soo bilaabo dabayaaqadii 2000-meeyadii ilaa 2010-meeyadii, abaal-marintan waxaa inta badan gacanta ku hayay labo nin oo kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Kubada cagta waxa jira xiddigo halyeeyo ah oo wacdaro ka soo dhigay kubada cagta kuna soo guulaystay koobab badan oo kala duwan.

Hadana Halyeeyadaas ayaan nasiib u yeelan in ay abaalmarinta ku guulaystaan.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Halyeeyada kubada cagta ugu fiican ee aan ku guulaysan abaalmarinta.

15-ka xiddig ee aan ku guulaysan Abaalmarinta.
N. Ciyaartoyga Kaalinta uu galay
1. Andres Iniesta 2nd (2010)
2. Thierry Henry 2nd (2003)
3. Paolo Maldini 3rd (1994/2003)
4. Xavi 3rd (2009/10/11)
5. Luis Suarez 4th (2016)
6. Dennis Bergkamp 2nd (1993)
7. Neymar 3rd (2015/2017)
8. Gianluigi Buffon 2nd (2007)
9. Andrea Pirlo 5th (2007)
10. Franck Ribery 3rd (2013)
11. Arjen Robben 4th (2014)
12. Robert Lewandowski 2nd (2021)
13. Steven Gerrard 3rd (2005)
14. Virgil van Dijk 2nd (2019)
15. Zlatan Ibrahimovic 4th (2013)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga