WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Tirada Ugu Badan Ku Guulaystay Abaalmarinta Ballon d’Or

Kaliya labo ciyaaryahan ayaa ku guuleystay abaalmarinta qaaliga ah in ka badan seddex jeer.

Abaalmarinno badan oo uu shaqsi ku guuleysan karo, Ballon d’Or waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan.

Xiddiga sida fiican u ciyaara xilli ciyaareedka ayaa ku guulaysta abaalmarinta.

France Footall ayaa ku sharafta abaalmarinta xiddigaha sida fiican u ciyaara iyada oo ay codaynta ka qayb qaataan saxafiyiin iyo kabtano kala duwan.

Kubadda cagta ayaa la arkay qaar ka mid ah ciyaartoyda cajiibka ah oo ciyaara ciyaaraha sannadihii la soo dhaafay. Dhowr jeer ayay ku guulaysteen abaal marintan halka hadii ay hal mar lafteedu tahay arin weyn hadii ay ku guulaystaan.

Kaliya ciyaartoyda adduunka ugu fiican ayaa leh tayada ay ku sheegan karaan inay ku guuleystaan ​​abaalmarinta qaaliga ah.

Xiddiga Messi oo abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 2023 ayaa ah xiddiga tirada ugu badan ku guulaystay abaalmarinta.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doona xiddigaha tirada ugu badan ku guulaystay abaalmarinta.

1.Lionel Messi – 8

Lionel Messi ayaa ah xiddiga tirada ugu badan ku guulaystay abaalmarinta isaga oo ku guulaystay sannadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019, 2021 iyo 2023.

2.Cristiano Ronaldo – 5

Cristiano Ronaldo ayaa guud ahaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or shan jeer, Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ku guuleystay abaalmarinta 2008, 2013, 2014, 2016 iyo 2017.

3.Michel Platini – 3

Halyeyga kubadda cagta Faransiiska Michel Platini ayaa saddex jeer oo xiriir ah ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or. Wuxuu abaalmarinta ku qaatay 1983, 1984 iyo 1985.

4.Johan Cruyff – 3

Xiddiga ayaa ah Halyeey kubada cagta waxana uu wacdaro ka dhigay kubada cagta wakhtigiisii wuxuu ku guuleystay 1971, 1973 iyo 1974.

5.Marco van Basten – 3

Marco van Basten waa mid ka mid ah shanta ciyaaryahan ee ku guuleystay Ballon d’Or seddex jeer iyo wax ka badan. Halyeyga kubbadda cagta ee Nederland ayaa abaalmarinta ku guulaystay sanadihii 1988, 1989 iyo 1992.

6.Franz Beckenbauer – 2

7.Ronaldo – 2

8.Alfredo Di Stefano – 2

9.Kevin Keegan – 2

10.Karl-Heinz Rummenigge – 2

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga