Goolhayaha Barcelona, Iñaki Peña, ayaa ka hadlay guushii xiisaha lahayd ee ay ka gaareen ciyaartii El Clasico ee fiidnimadii Sabtida, markaasoo ay la ciyaareen kooxda Real Madrid.
Labada kooxood ayaa ku kulmay wareega 11 ee horyaalka La Liga kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu Stadium.
Barcelona oo uu hogaamiyo tababare Hansi Flick ayaa awooday in ay natiijo fiican ka gaarto kooxda Real Madrid iyaga oo ku badiyay 4 gool
Guusha Barcelona ayaa timid dhowr maalmood kadib guushii qiimaha lahayd ee ay ka gaareen Bayern Munich, iyagoo ku garaacay 4/1, wareegii saddexaad ee Champions League.
Peña ayaa yidhi”Waxa aan la ciyaarnay Bayern waxana aan ogayn in uu noqon doono todobaad xasaasi ah waxana aan helnay laba natiijo oo fiican”.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaan aan 6 dhibcood ka horaynaa Real Madrid laakiin wali waxa jira kulamo dhiman”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu fariin hanjabaad ah u diray Kooxaha la tartamaya Barcelona waxana uu yidhi”waxa na Khuseeya ayaa ah in aa guul gaadhno kooxaha ugu fiican waxa aan muujinay in aan ka badin karno koox kasta”.
Be the first to comment