Gabriel Jesus Mise Kai Havertz? Silva Oo Magacaabay Midka Fiican labada Xiddig.

Halyeeyga Arsenal Gilberto Silva ayaa aaminsan in Gabriel Jesus uu wali ka fiicanyahay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kai Havertz inkasta oo xiddiga reer Germany ka fiicanyahay xiddiga reer Brazil xilli ciyaareedkan.

Kadib xilli ciyaareed aan fiicnayn markii uu u soo biiray kooxda, Havertz ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo booska kala baxay xiddiga Gabriel Jesus.

Xiddiga reer Germany ayaa dhaliyay gool kulankii ay ka badiyeen Southampton ka hor kulamadii fasaxa caalamiga ah waxana uu ahaa kulankii 7-aad ee uu gool dhaliyo.

Hadii xiddiga 25 jirka ah dhaliyo gool kulanka champions Legaue ee Shakhtar waxa uu bar-barayn doonaa rikoodhkii Thierry Henry ee gooldhalinta 8 kulan oo xidhiidh ah.

Jesus ayaa dhinaca kale ku dhibaatooday dhaawacyo waxana uu kaliya ku bilowday 3 kulan xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu Havertz ka fiican yahay Jesus hadana, Xiddigii hore ee Gunners Silva ayaa rumaysan in xiddiga ay isku dalka yihiin uu ka fiican yahay Havertz hadii uu ka boxo dhaawacmada.

“Jesus waxa soo gaadhay dhaawacyo badan, runtiina waa arin soo dhex-gashay horumarkiisa”ayuu yidhi.

“Waxa ka joogsanaya xamaasadaadii waxana ay ku keenaysaa in uu dib u bilaabo waana arin ku adag ciyaartoy kasta”.

“Aniga ahaan Jesus ayaa ka fiican Havertz marka la eego awoodooda hadii ay taam yihiin”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga