Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Ilkay Gundogan uu diyaar u noqon karo inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Man City kadib markii uu ku soo laabtay kulanka ay premier Legaue la ciyaari doonaan kooxda Ipswich Town.
Citizens ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii jimcaha in 33-sano jirkaan uu dib ugu soo biiray kooxda isagoo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah ka dib markii uu qaab xor ah uga tagay Barcelona.
Gundogan ayaa todobo sano oo guulo waaweyn ah ku qaatay Man City intii u dhaxeysay 2016 iyo 2023 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona xagaagii hore, isagoo 51 kulan u saftay tartamada oo dhan kooxda Catalan.
Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada dhaqaale ee Barca ayaa ugu dambeyntii keentay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu si degdeg ah u baxo oo uu ku laabto Man City, halkaasoo uu kula guuleystay 14 koob.
Haddii Gundogan uu helo warqada shaqada ka hor kulanka Sabtida waxa uu ciyaari doonaa xiddigu kulanka Ipswich.
Isagoo ka hadlayay Gundogan shir jaraa’id oo uu qabtay jimcihii, Guardiola ayaa yiri: “Xaqiiqdii si fiican ayuu u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, welina waan ogahay in uu fiicneeyo saaxiibadii”.
“Uma baahna wakhti uu kula qabsado kooxda, hadii loo baahdo waxa uu ciyaari doonaa kulanka bari”.
Be the first to comment