Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Barcelona ayaa kalsooni sii kordheysa u qaadaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Club Nico Williams, waxaana ay haatan diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa oo dhan 58 milyan oo euro (Fabrizio Romano).

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca dambeedka midig ee Bayern Munich Noussair Mazraoui, laakiin waxay tartan kala kulmi doontaa West Ham. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ku ogolaan doonta ciyaaryahanka inuu ku baxo 19 milyan (Sky Sport Germany).

Jadon Sancho ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka France ee Paris Saint-Germain xagaagan iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay isku diyaarineyso inay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga garabka ciyaara (Foot Mercato).

Manchester City ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo saxiixa garabka Crystal Palace iyo xulka England Eberechi Eze, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 60 milyan (Mirror).

Kooxda Man City ayaa sidoo kale Goolhayaha PSG ee Gianluigi Donnarumma u calaamadsatay badalka macquulka ah ee Ederson (Sky Sport).

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay sameyso maalgashi weyn si ay Old Trafford ku soo qaadato weeraryahanka PSG Xavi Simons (Bild).

Arsenal ayaa soo gabagabeyneysa heshiis 42.1 milyan ku kacaya oo ay kula soo wareegayso daafaca dhexe ee Bologna ee Riccardo Calafiori (Gazzetta Dello Sport).

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Goolhaye Andriy Lunin kaas oo xiiso ka helaya Kooxda Liverpool (SPORT).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga