Sir Jim Ratcliffe Oo Sheegay Sababtii Ay Man United U Go’aansatay In Ay Sii Haystaan Ten Hag.

Sir Jim Ratcliffe ayaa ku adkeysanaya in booska Tababaraha uusan ahayn dhibaato kadib markii ay kooxdu go’aansatay in ay sii haystaan Erik Ten Hag.

Erik Ten Hag ayuu shaki ku jiray shaqadiisa United kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka xitaa markii ay ku guulaysteen FA Cup-ka.

Man United ayaa wadahadalo la yeelatay tababarayaal badan oo ay ku jiraan Thomas Tuchel Iyo Tababaraha Ipswich ee Mckenna.

Laakiin Man United ayaa go’aansatay in ay sii haysato Ten Hag isla markaas uu hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Tababaruhu ma ahayn dhibaatada ugu weyn ee Man United”ayuu Ratcliffe yidhi.

“Waa koox ciyaarta kubada cagta, waa in ay tartanto”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga