Man United Oo Ka Jawaabtay Qiimaha Ay Everton Ku Iibinayso Daafaca Jarrad Branthwaite.

Sida laga soo xigtay wargaysyo badan, oo ay ku jiraan The Independent, Manchester United ayaa diidan inay bixiso lacagta 70 milayn ee ay Everton ku qiimayso daafaca dhexe ee Jarrad Branthwaite.

Kooxda Red Devils ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca dhexe laakiin haatan waxa ay wajahayaan caqabado.

Everton ayaa ugu yaraan ku dooneysa 21-jirkaan 70 milyan oo euro xiddiga 35 kulan u ciyaaray kooxda premier League xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa u sheegtay Everton in aanay ka bad-badin doonin lacagaha ay kula soo wareegayso xiddiga daafaca ka ciyaara.

Man United ayaa doonaysa in ay xiddiga ka dhigto saxiixeedii uGu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga