9 Xiddig Oo Dhaawac Uga Maqan Kooxda Chelsea

Kooxda chelsea waxa ku sii socda dhaawacyada is daba jooga.

Blues ayay haatan 9 xiddig dhaawac uga maqan yihiin ka hor kulanka sabtida ee ay la ciyaari doonaan Burnley.

Xiddigaha Reece James & Wesley Fofana ayaa ku maqan dhaawac wakhti fog ah.

Laakiin xiddiga Christopher Nkunku ayaa ku biiray Liiska xiddigaha dhaawacan Halka xiddiga Romeo Lavia la xaqiijiyay in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Blues ayaa ka wal-walsan dhaawaca iyada oo xiddiga Trevoh Chalobah ku biiray xiddigaha ka dhaawacan kooxda.

Goolhaye Robert Sanchez & Carney Chukwuemeka ayaa sidoo kale dhaawamay kadib markii ay dhawaan ka soo laabteen dhaawaca.

Chelsea sidoo kale waxa ka maqnaan doona xiddigaha Levi Colwill & Lesley Ugochukwu sabab la xdihiidha dhaawacyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga