Barcelona ayaa u safri doonta dalka Maraykanka safarkeedii ugu horeeyay iyaga oo uu hogaaminayo tababare Hansi Flick.
Laakiin Tababaraha ayaa waayi Oona xiddigo muhiim ah kooxda 1-aad sabab la xidhiidha in ay xiddigahaas wareegyada dambe la gaadheen xulalkooda tartamada Euro 2024 Iyo Copa America 2024.
Barca ayaa afar ciyaaryahan ku leh xulka Spain iyadoo La Roja ay u soo baxday semi-finalka. Taasi waxay la macno tahay in xiddigaha Lamine Yamal, Pedri, Ferran Torres iyo Fermin Lopez dhamaantood way seegi doonaan safarka xilli ciyaareedka ka horeeya. Jules Kounde ayaa isna sidaas oo kale sameyn doona ka dib markii uu semi-finalka la gaaray France.
Kooxdu waa inay ciyaartoydan siiso fasax saddex toddobaad ah ka dib marka ay dhammeeyaan tartamada Euro 2024, Taas ayaa la macno ah in ay ku biiri karaan kooxda kaliya horaanta bisha August sidaas darted diyaar uma noqon doonaan kulamada Maraykanka.
Blaugrana ayaa sidoo kale aragtay Ronald Araujo oo dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Uruguay ay guusha ka gaareen Brazil ee wareega 8da Copa America. Waxa uu u muuqdaa mid seegi doona isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Barcelona sidoo kale waxa ka maqnaan doona xiddigaha Pau Cubarsi iyo Eric Garcia oo ka qayb gali doona ciyaaraha Olympics xagaaga.
Sidoo kale xiddigaha laga yaabo in ay seegaan bilowga isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa ah Frenkie de Jong Iyo Pedri oo dhaawacyo ka soo kabsanaya.
Barca ayaa kulankeeda ugu horeeya ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka la ciyaari doonta Man City 30 ka, waxaana ku xigi doona kulamada Real Madrid (3 August) iyo AC Milan (6 August).
Be the first to comment