Xulka Spain Oo Xasuuqay Suadi Arabia.

Xulka qaranka Sacuudiga ayaa la kulmay guuldarro culus oo niyad jab leh kadib markii 4-0 looga adkaaday xulka Spain kulankii wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Mercedes-Benz Stadium.

 

Xulka Spain ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegay daqiiqaddii 11-aad markii Lamine Yamal uu dhaliyay gool kadib kubbad uu dhanka bidix ka soo tuuray Mikel Oyarzabal, taas oo dhaaftay dhammaan ciyaartoydii difaaca, ka hor inta uusan Yamal si xirfad leh shabaqa ugu ridin.

 

Mikel Oyarzabal ayaa markale muujiyay awoodda “La Roja” isagoo dhaliyay laba gool oo xiriir ah daqiiqadihii 21-aad iyo 24-aad, iyadoo Spain si buuxda u maamuleysay ciyaarta. Qaybtii hore ayaana ku dhammaatay hoggaan ballaaran oo ay Spain ku haysay ciyaarta.

 

Daqiiqaddii 49-aad ayaa goolka afraad ee Spain yimid kadib markii kubbad gudaha xerada ganaaxa gaartay Marc Cucurella. Laadka uu qaaday waxaa badbaadiyay goolhayaha, balse kubbaddii soo noqotay ayaa ku dhacday Hassan Tambakti oo si kama’ ah shabaqiisa ugu leexiyay, taasoo noqotay gool iska dhaliyay.

 

Guushan ayaa kor u qaaday dhibcaha Spain ilaa 4 dhibcood, iyadoo hoggaanka kooxda ku meel gaar ah la wareegtay. Dhanka kale, Sacuudiga ayaa ku haray hal dhibic, taasoo gelisay kaalinta saddexaad ee guruubka.

 

Xulka Uruguay ayaa ku jira kaalinta labaad isagoo leh hal dhibic, waxaana la filayaa inuu maanta la ciyaaro xulka Cape Verde, oo isaguna leh hal dhibic, kulan la sugayo oo go’aamin doona sida kala sarreynta guruubku noqon doonto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga