Xulka Qaranka Spain Oo Garaacay Xulka Australia.

xulka Spain si qurux badan ugu adkaaday xulka Austria 3-0 kulan ka tirsanaa wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026, kaas oo fiidnimadii Khamiista ka dhacay Los Angeles Stadium.

Spain ayaa kulanka si xooggan ku bilaabatay iyagoo raadinayay gool degdeg ah, halka Austria ay muujisay nidaam difaac oo wanaagsan. Daqiiqaddii 30-aad ayaa gool uu dhaliyay Marc Cucurella la diiday, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qalad ku galay goolhayaha Austria.

Cadaadiska Spain ayaa sii socday, waxaana ugu dambeyn hoggaanka u dhiibay Mikel Oyarzabal daqiiqaddii 36-aad, isagoo si toos ah shabaqa ugu dhammeystiray kubbad uu ka helay Marc Cucurella. Intii ka dambeysay, Baina ayaa ku dhowaaday inuu dhaliyo goolka labaad laad xor ah, balse kubbaddiisa ayaa birta kore ku dhacday.

Daqiiqaddii 66-aad, Spain ayaa heshay goolkeedii labaad, waxaana madax ku dhaliyay Pedro Porro kadib karoos uu soo qaaday Baina, iyadoo weerarka uu ka bilowday baas uu bixiyay Cucurella.

Daqiiqaddii 84-aad, David Alaba ayaa Austria ka badbaadiyay gool hubaal ahaa, isagoo joojiyay fursad uu helay Lamine Yamal.

Ugu dambeyn, daqiiqaddii 89-aad, Mikel Oyarzabal ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Spain, isagoo si fudud u dhammeystiray karoos kale oo uu soo qaaday Marc Cucurella, taasoo ciyaarta ku soo gabagabeysay 3-0 oo ay ku adkaatay Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga