WARBIXIN: England, Barcelona, Real Madrid & 5 Meel Oo Uu Klopp Ka Shaqo Gali Karo Kadib Bixitaankiisa Liverpool

Klopp ayaa soo afjaray ku dhawaad 9 sano oo uu hogaaminayay kooxda Liverpool isaga oo go’aanka kaga yaabsaday adduunka kubada cagta.

Inkasta oo uu Klopp sheegay in uu daal u yahay sababta uu u go’aansaday in uu uga tago kooxda Liverpool hadana waxa jira durba shaqooyin lala xidhiidhinayo tababaraha.

Ma jirto koox ama xul aan diyaar u ahayn in ay tababare ka dhigtaan Klopp marka la eego in uu ka mid yahay tababaraha ugu fiican adduunka.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 meel oo uu u shaqo tagi karo kadib markii uu ka tago Liverpool.

England:

Heshiiska tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa dhici doona dhamaadka sanadkan waxana laga yaabaa in uu xulka England u dhaqaaqo Klopp si uu uga dhigto tababarohooda cusub.

Germany:

Waa xul kale oo uu Klopp ku biiri karo marka loo eego in marar badan lala xidhiidhinayay xulka qaranka dalkiisa.

Marar badan ayuu Klopp iska diiday xulka Germany laakiin waxa laga yaabaa in uu markan badalo go’aankiisa isla markaas hogaamiyo xulka qarankiisa.

Real Madrid:

Mustaqbalka Ancelotti ee Real Madrid ayaan wali kala cadaan inkasta oo uu tababaruhu heshiis cusub saxiixay bishii December.

Ancelotti ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda iyada oo lala xidhiidhinayo xulka qaranka Brazil sidaas darteed Klopp ayaa loo magacaabi karaa kooxda Real Madrid.

Barcelona:

Kooxda ka ciyaarta La Liga ayaa bilaa tababare noqon doonta dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Xavi xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa horay loola xidhiidhin jiray Barcelona laakiin waxa laga yaabaa in uu haatan aqbalo fursad uu ku hogaamiyo kooxda Barcelona.

Borussia Dortmund

Kahor inta uusan noqon tababaraha Liverpool 2015, Klopp ayaa todobo sano ku qaatay Borussia Dortmund.

Muddadaas, waxa uu ku guulaystey koobab isku xigta oo horyaal ah halka uu gaadhay final-ka tartanka champions League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga