Thomas Tuchel Oo Heegan Galiyay Barcelona Xilli Ay Kooxdu Suuqa Ugu Jirto Badalka Xavi

Tababaraha Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa si maldahan u sheegay inuu xiiseynayo inuu Xavi ka badalo tababaranimada kooxda kadib markii uu tababare Xavi xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xavi ayaa la kulmay cadaadis waali ah kadib xilli ciyaareedkii liitay ee kooxda waxana uu go’aansaday in uu isaga tago.

Tuchel ayaa u muuqda mid diyaar ah in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda kadib markii uu amaan kala dul dhacay kooxda Barcelona.

“In aan ka shaqeeyo Spain waa mid i soo jiidanaysa, Horyaalka La Liga waa mid cajiib ah”ayuu Tuchel yidhi.

“Marka aad la hadasho ciyaartoyda Isbaanishka, waxaan si degdeg ah u helaa dareenka in uu yahay horyaal fiican”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga