Ten Hag Oo Ka Xanaajiyay Maamulka Man United

Tababaraha kooxda Manchester United Erik Ten Hag ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiinta kooxda Man United sida ay sheegayaan Wararku.

Man United ayaa go’aan ka gaadhay Mustaqbalka Man United iyaga oo go’aansaday in ay sii haystaan tababaraha xilli ciyaareedka dambe.

Ten Hag ayaa maalmo ka hor sheegay in ay masuuliyiinta Man United ugu yimaadeen gurigiisa si ay ugu sheegaan in uu sii joogo kooxda.

Sida laga soo xigtay Wargayska The Sun, Hadalka Ten Hag ayaa ka xanaajiyay maamulka kooxda kadib markii uu shaaciyay hadalkii dhexmaray isaga Iyo maamulka kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga