Spain Oo Garaacday France Iskana Xaadiryay Final Kooka Adduunka.

Spain ayaa si ciyaar heer sare ah ugu soo baxday final-ka Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay 2-0 ku garaacday France kulan adag oo ka tirsanaa wareegga afar dhammaadka. Guushan ayaa u xaqiijisay La Roja inay hal tallaabo u jirto hanashada koobka adduunka.

Goolka koowaad ee ciyaarta waxaa Spain u dhaliyay Mikel Oyarzabal daqiiqaddii 22-aad, isagoo si deggan u dhaliyay rigoore la siiyay kadib qalad lagu galay Lamine Yamal gudaha xerada ganaaxa.

Qaybtii labaad, Spain ayaa sii xoojisay hoggaanka waxaana goolka labaad dhaliyay Pedro Porro daqiiqaddii 58-aad, kadib weerar qurux badan oo uu caawiye ka ahaa Dani Olmo.

France ayaa isku dayday inay dib ugu soo laabato ciyaarta, iyadoo Kylian Mbappé, Ousmane Dembélé iyo ciyaartoyda kale ee weerarka ay abuureen fursado, balse difaaca Spain iyo goolhaye Unai Simón ayaa si adag u diiday isku day kasta.

Spain ayaa si buuxda u maamushay khadka dhexe, iyadoo Rodri iyo saaxiibbadiis ay xakameeyeen kubadda, taasoo ka dhigtay France inay ku adkaato inay hesho fursado cadcad oo goolal lagu dhalin karo.

Guushan waxay ka dhigan tahay in Spain ay u gudubtay final-ka Koobka Adduunka 2026, halka France ay u dhacday ciyaarta kaalinta saddexaad. Taageerayaasha Spain ayaa hadda sugaya kooxda ay final-ka la ciyaari doonaan, taas oo noqon doonta guuleystaha kulanka England iyo Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga