Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

Cristiano Ronaldo ayaa laba gool kula soo laabtay kooxda Man United kulankiisii ugu horeeyay iyada oo Man United garaacday kooxda Newcastle United.

Kooxda Man City ayaa dhankooda 1/0 ku garaacday Leicester City halka ay Liverpool 3/0 ku garaacday kooxda Leeds United xilli ay chelsea 3/0 ku garaacday Crystal Palace.

Kooxda Tottenham ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka premier League kadib markii ay guuldaro 3/0 ah kala kulantay Crystal Palace.

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn gaadhay guusheedii ugu horaysay ee horyaalka premier League iyaga oo garaacay kooxda Norwich City sidaasna uga baxay masiibadii guuldarooyinka.

Shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League kooxaha Man United, Liverpool iyo Chelsea ayaa ku leh shaxda min 3 xiddig halka kooxaha Man City iyo Crystal palace ku leeyihiin 2 xiddig.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Team of the week

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*