Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League

Waxa la soo afjaray todobaadkii 32-aad ee horyaalka premier League oo meel xiiso leh maraya.

Kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa badiyay kulamadii ay ciyaareen ee horyaalka iyaga oo sii waday baacsigooda ku guulaysiga horyaalka.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale dhibco ku lumisay Man United iyada oo bar-baro 2/2 ah la gashay kulan ka dhacay Old Trafford.

Chelsea ayaa dhinaceeda sii wada luminta dhibcaha prmeier League iyaga oo dhaafi waayay kooxda ugu hoosaysa horyaalka.

Kadib dhamaadka todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee todobaadka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh 3 xiddig.

Kooxada Everton ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Tottenham, Newcastle, Aston Vill,a Man City, Man United iyo Luton shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Garth Crooks' team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga