Shax Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Ah Ee Heshiisyadoodu Dhacay.

Suuqa kala iibsiga ayaa furan waxana ay kooxuhu u dadaalayaan sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo cusub.

Dhinaca kale waxa jira xiddigo heshiisyadii ay kula jireen kooxohoodu dhacay 30 bishii dhamaatay isla markaas bilaa koox ah.

Xiddigahaas ayaa dhinacooda ku dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen kooxo ay u ciyaaraan xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigo magac ku leh kubada cagta ayaa ilaa haatan bilaa koox ah isla markaas suuqa ku yaala qaab xor ah.

Xiddigaha Thiago Alcantara, Varane, Matip, Marco Reus, Depay Martial ayaa ka mid ah xiddigaha xorta lagu heli karo.

Shabakada The Sun ayaa shax ka samaysay xiddigaha qaabka xorta ah lagu heli karo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga