suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Manchester United ayaa ka mid ah afar kooxood oo Premier League ah oo xiisaynaya Randal Kolo Muani inay amaah kaga soo qaataan Paris Saint-Germain (TBR Football).
Weeraryahanka reer France ayaa sidoo kale diirada u saaran kooxaha Arsenal, Manchester City iyo West Ham United (TBR Football).
Red Devils ayaa sidoo kale isku diyaarineysa tartanka loogu jiro Jonathan David laakiin Liverpool iyo Arsenal ayaa sidoo kale ku jira tartanka (Corriere dello Sport).
Weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa ‘ku dhawaa inuu ka tago’ kooxda xagaagii, iyadoo Barcelona ay xiiseyneysay, ka hor inta aan lagu qancin inuu sii joogo oo uu ka hoos shaqeeyo Arne Slot (SPORT).
Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba isha ku haya daafaca dhexe ee Sporting CP Ousmane Diomande, kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Newcastle United (TBR Football).
Arsenal iyo Chelsea ayaa horay ugu dhaqaaqay saxiixa Diomande, laakiin waxay tartan kala kulmayaan Bayern Munich saxiixiisa (Record).
Robert Lewandowski ayaa dalabyo ka helay Kooxaha sucuudiga iyo Maraykanka taas oo keentay in Barcelona ay dardar geliso qorshaheeda ku aadan saxiixa weeraryahan badala (El Nacional).
Real Madrid,Chelsea iyo Manchester City ayaa dhamaantood ku tartamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Torino ee Samuele Ricci kaas oo lagu qiimeeyo 40 milyan oo euro (Fichajes).
Neymar ayaa doonaya in uu ka tago kooxda Al Hilal kuna biiro Inter Miami si uu ula midoobo Messi iyo Suarez (El Nacional).
Xiddiga Liverpool Mohamed Salah iyo Kabtanka Tottenham Hotspur Son Heung-min, oo aan wali heshiis cusub loo soo bandhigin ayaa bartilmaameed u ah kooxaha sucuudiga (TBR Football).
Daafaca dhexe ee Manchester United Victor Lindelof ayaa bartilmaameed u ah kooxda ka dhisan Serie A ee AC Milan iyada oo uuna xiddigu ka mid ahayn qorshaha Ruben Amorim (Fichajes).
Manchester City ayaa dooneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe bisha January iyaga oo doonaya xiddiga Atalanta ee Ederson (I News).
Be the first to comment