Robert Lewanfowski Oo Shaaciyay Ka Qaaday Sidii Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Man United

Robert Lewanfowski ayaa ogolaaday inuu ku biiro Manchester United ka dib markii uu taleefoon kula soo hadlay Sir Alex Ferguson…ka hor inta aysan Borussia Dortmund joojin heshiiska.

SunSport ayaa si gaar ah ula fadhiisatay weeraryahanka reer Poland, oo 35 jir ah, xilli uu ammaanay tababarihii hore ee Jurgen Klopp ka dib sagootintiisii Liverpool.

Lewandowski ayaa ka hoos ciyaaray Klopp afar sano oo uu joogay Dortmund – halkaas oo uu ku dhaliyay 103 gool 187 kulan oo uu ciyaaray

Laakiin laba xilli ciyaareed ka dib waxa uu ku sigtay in uu ka tago 2012 markii uu isku dayay in uu u dhaqaaqo Man United.

Waxana uu Haatan ka hadlay hadalkii uu la yeeshay Sir Alex iyo sidii ay Dortmund u Hor istaagtay heshiiska.

Isagoo ka hadlayay ku dhawaaqista iskaashiga uu la leeyahay shirkadda ciyaaraha ee G2A, wuxuu yiri: “Waa inaan sheego inaan go’aansaday inaan aado Manchester United”.

“Waan xusuustaa markii aan la hadlayay Sir Alex Ferguson, mar horena waa la i go’aamiyay.

“Waxaan ahaa 22, 23 sano jir, waxayna ahayd hal ama laba sano ka dib Dortmund [markii Sir Alex uu isoo wacay] ma dhihi kartid [isaga] maya”

Waxa aan doonayay in Aan Ku Biiro Man United, Laakiin ugu dambeyntii Dortmund waxay tiri maya. Markaa waa inaan ixtiraamaa tan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga