Real Madrid Atletcio Madrid Mise…? Ciyaartoyada Barcelona Doortay Kooxda Ay Doonayaan In Ay Ku Aaadaan Semi-final-ka Copa del Rey-ga.

Qolka labiska ee Barcelona ayaa doortay kooxda ay doonayaan in ay ku aadaan Semi-final-ka Copa Del Rey.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Atletico Madrid Iyo Real Sociedad ayaa isugu soo baxay Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay xiddigaha Barcelona ay doonayaan in ay midkood ku aadaan kooxaha Real Sociedad ama Real Madrid.

Xiddigaha Barcelona ayaa doonaya in ay ka fogaadaan kooxda Atletico Madrid.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo Barcelona ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Basque xilli ciyaareedkan, iyadoo 1/0 looga badiyay Barcelona.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Barcelona ay sidoo kale guuldaro kala kulantay Atletico Madrid ciyaartii labada kooxood isku keentay xilli ciyaareedkan, kulan aad u xiiso badnaa, laba gool iyo gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga