
Liverpool ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay kooxaha ugu waa wayn aduunka – labadaba marka loo eego heerka ay hadda taagan tahay iyo guulaha taariikhiga ah ee ay gaadhay laakiin Rafa Benitez ayaa daaha ka qaaday in Reds ay ku dhibtoonaysay inay u tartanto saxiixyo intii uu joogay.
Benitez waa mid ka mid ah macalimiintii ugu guulaha badnaa Reds waayahaan casriga ah, isagoo kooxda kula guulaystay Champions League sanadkii 2005.
Waraysi uu bixiyay tababarihii hore ee Man United ayaa sheegay in ay Liverpool ku dhibaatoonaysay in ay dhaqaale ahaan la tartanto kooxaha Arsenal iyo Tottenham marka laga hadlayo saxiixyada cusub.
“Inta uu joogo Tom Hicks iyo George Gillett, waxaan doonayay inaan la soo saxiixdo [Stevan] Jovetić wuxuuna ahaa 16 milyan”ayuu Benitez ku blaabay.
“Waxa jiray xiddigo aan iska iibinay kuna iibinay 34 milyan oo euro laakiin waxa la ii sheegay in ayna kooxdu wax lacag ah haysan, Waxaan u tagnay inaan la ciyaarno Fiorentina waxaana ay nooga badiyeen 2/0 Jovetic ayaa dhaliyay labada gool. Waxaan ku idhi kani waa ciyaartoygii aanu doonaynay in aanu la soo wareegno laakiin lacag maanu haysan”.
“Waxa aan doonayey in aan la soo saxiixdo Aaron Ramsey markii uu u ciyaarayay kooxda Cardiff City, waxa aanu u gudbinay dalab dhan 1.5 milyan laakiin Cardiff waxa ay ka ciyaaraysay koobka FA Cup-ka waxana ay doonaysay in aanu sugno, laakiin waxa aan u sheegay in aanu sugayno laakiin Arsenal ayaa ka bixisay 5 milyan waanu seegnay saxiixiisa”.
“Gareth Bale, markii uu 17 jir ahaa Southampton, waxa aan doonayay in aan la soo saxiixdo laakiin Tottenham ayaa 8 milyan ka bixisay sidaas darteed lamaanu tartami karin”.
Be the first to comment