Premier League Mise? Mbappe Oo Sheegay Horyaalka Uu Mustaqbalka Ka Ciyaari Karo.

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa magacaabay horyaalka ‘weyn’ ee uu jeclaan lahaa in uu ka ciyaaro kadib waayihiisii Real Madrid.

Mbappe, oo lagu doodi karo inuu yahay weeraryahanka ugu fiican kubada cagta adduunka, ayaa si weyn loo filayaa inuu ku biiro kooxda reer Spain xagaagan marka uu qandaraaskiisa PSG dhacayo 30ka June.Mbappe ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, si uu ugu ciyaaro kooxda AC Milan.

‘Kubadda Talyaaniga? Marna ma garanaysid waxa dhaca, Mbappe ayaa u sheegay Sky Sports Abaalmarinta European Globe Soccer Awards.

“Markii aan yaraa waxaan ahaa taageere Milan, waxaana mar walba dhihi jiray in aan maalin uun u ciyaari doono.

‘Waxaan mar walba daawadaa Serie A iyo kulan kasta oo Milano ah sababtoo ah aniga iyo qoyskayga waxaan had iyo jeer ahayn taageere.

‘Serie A waa horyaal aad u wanaagsan sanadka soo socda sidoo kale waxay heli doonaan kooxo ka badan kuwa kale ee Champions League, laga yaabee inaan wajaho qaar ka mid ah oo aan imaado halkaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga