Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka Qaranka England.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa iska fogeeyay wararka la xiriirinaya inuu qabto shaqada England ee banaan.

Gareth Southgate ayaa bishii hore xaqiijiyay inuu iska casilayo xilka tababaranimo ee saddexda libaax, taasoo soo afjartay sideed sano oo cajiib ah oo uu hogaaminayay.

Muddadaas, waxa uu xulka gaadhsiiyay Final-ka Euro laba jeer oo xidhiidh ah laakiin waa laga badiyay labadaas jeerba.

Musharrixiinta la sheegay in FA-gu ay tixgelinayaan waxaa ka mid ah Guardiola, kaasoo galaya sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa City.

Laakiin ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Cityzens ay kula ciyaari doonto kooxda Chelsea ee USA, Guardiola ayaa ku adkaystay inuu ku faraxsan yahay Etihad Stadium.

“Halkan ayaan joogaa, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay, waxba ma odhan karo, ma garanayo halka ay ka timid, runtii halkan ayaan ku qanacsanahay,” ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga