Pedri Oo Saadaaliyay Kooxaha Iska Xaadirin Doona Final-ka Champions League, Miyuu Barca U Saadaaliyay.

Pedri ayaa magacaabay kooxda uu u malaynayo inay la kulmi doonto Barcelona finalka Champions League xilli ciyaareedkan.

Barca ayaa ka hor imaaneysa ciyaaryahankeedii hore iyo tababaraheedii hore iyagoo wajihi doona kooxda Luis Enrique ee Paris Saint-Germain wareega 8da.

Hadii ay dhaafaan PSG waxa ay sugi doonan kooxda guulaysata ee Atletico Madrid vs Borussia Dortmund si ay ugu soo baxaan finalka.

Qeybta kale ee isku aadka waxaa Isaga hor iman doona kooxaha Bayern Munich, Arsenal, Manchester City iyo Real Madrid.

Bayern ayaa wajihi doonta Arsenal halka Man City ay la ciyaari doonto Real.

Pedri ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisu ay gaari doonto finalka Champions League isagoo xitaa saadaaliyay cidda ay kula kulmi doonaan Wembley 1-da June.

Waxa uu taageeray Manchester City si ay u gaarto dhacdada bandhigga ee London, laakiin wuxuu jecel yahay fikradda ah inay isku dhacaan Real.

“Maxaan u malaynayaa inuu noqon doono finalka UCL? Barca-City. Inkastoo, Barca-Madrid sidoo kale ma xumaan doonto,” ayuu yidhi.

“Waxaan nahay Barca, waa wax aad u adag, laakiin dabcan waan ku guuleysan karnaa, waxaan ku arkaa da’yarta Barcelona kalsooni iyo rabitaan badan oo Champions League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga