Mohamed Salah Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Gooldhalinta Premier League.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii dheeraystay hogaanka gooldhalinta premier League kadib todobaadkii 29-aad ee premier League.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxda Liverpool ka badisay Southampton kulan ka tirsnaa premier League.

Salah ayaa dhaliyay 27 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo 7 gool ka horeeya xiddiga ugu dhaw ee Erling Haaland tartanka gooldhalinta premier League.

Xiddiga Haaland ayaa dhaliyay 20 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga Newcastle ee Alexander Isak kaas oo dhaliyay 19 gool ilaa haatan horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddiga Nottingham Forest ee Chris Wood kaas oo dhaliyay 18 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga