Man United Oo Premier league Ka Heshay Badalka Premier league

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay calaamadsatay ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan West Ham United inuu yahay bedelka Casemiro xagaagan.

Red Devils ayaa la filayaa in ay mashquul ku noqoto suuqa kala iibsiga si ay u xoojiso kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Hal magac oo si xoogan loola xiriirinayo inuu ka tagayo Man United Khadka dhexe waa Casemiro, kaasoo kooxda ugu soo biiray laba sano ka hor adduun dhan 70 milyan oo euro.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Casemiro uu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Bayern Munich xagaagan, laakiin kooxaha ka dhisan Saudi Arabia ayaa weli xiiseynaya 32 jirkaan.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Man United ayaa hubta in uu Casemiro ka tagayo kooxda waxana ay badalkiisa u calaamadsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Edson Alvarez.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga