Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Europa League.

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay tababarka kooxda ka hor kulanka Atalanta ee Europa League.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka Europa League oo ay la ciyaari doonto kooxda Talyaaniga ka ciyaarta ee Atalanta.

Reds ayay tababarka ugu soo laabteen xiddigo muhiim ah kuwaas oo saamayn ku leh kulamada kooxda.

Xiddigaha Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold & Diogo Jota ayaa dhamaantood ku soo laabtay tababarka 1-aad ee kooxda.

Xiddigaha Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold, Diogo Jota ayaa la filayaa in ka qayb qaataan kulanka Atalanta ee Europa League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga