Liverpool, Arsenal Mise Man City? Roberto De Zerbi Oo Magacaabay Kooxda Ugu Fiican Premier League.

Roberto De Zerbi ayaa ku amaanay Arsenal in ay tahay kooxda Ugu Fiican Premier League xilli ciyaareedkan ka hor kooxaha Man City iyo Liverpool.

Gunners ayaa tartan adag kula jirta premier League kooxaha Liverpool iyo Man City iyada oo ay kaliya 2 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Liverpool ee hogaaminaysa horyaalka.

Inkasta oo uu qiimeeyay kooxaha Man City iyo Liverpool De Zerbi ayaa Arsenal u magacaabay kooxda ugu fiican England isagoo isku diyaarinaya kooxdiisa Brighton inay wajahaan Gunners isbuucaan.

Markii la weydiiyay hadii uu aaminsan yahay in Arsenal ay tahay kooxda ugu fiican Premier League waxa uu ku jawaabay”Haa”.

“Liverpool waa koox kale oo weyn oo leh astaamo kala duwan iyo qaab kale. Man City ayaa qaab ahaan ugu dhow Arsenal laakiin waxaan filayaa marka ay Arsenal si fiican u ciyaarto inay aad u adag tahay”.

“Waad fahmi kartaa ereyadayda sababtoo ah Arsenal ayaa 3-1 kaga badisay Liverpool [bishii February], waxay ku garaacday Man City gurigeeda, Champions League-ga aad ayay u fiican tahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga