Lewandowski Oo Ka Fal Celiyay Wararka Hansi Flick La Xidhiidhinaya Barcelona.

Weeraryahanka kooxda koowaad ee Barcelona, ​​Robert Lewandowski, ayaa ka jawaabay suurtagalnimada in tababarihiisii hore ee Hansi Flick uu noqon karo tababaraha cusub ee kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xavi ayaa ka tagi doona Barcelona bisha June ee soo socota, ka dib markii uu ku dhawaaqay inuusan ku sii ahaan doonin tababaraha kooxda Barcelona wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Waxa jira tababarayaal badan oo u sharaxan in ay Xavi ka badalaan shaqada tababaranimo ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababarayaasha Hansi Flick, Jurgen Klopp, Roberto De Zerbe ayaa ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Lewandowski oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Tababaraha Barcelona hadda waa Xavi, dhanka Flickna waa shaqsi wanaagsan”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga