Kooxda Ciyaartoyada Ugu Badan Ku Leh Semi-Final Koobka Adduunka Oo La Shaaciyay.

Ugu yaraan siddeed ciyaaryahan oo Arsenal ah ayaa toddobaadkan ka ciyaari doona heerka afar dhammaadka Koobka Adduunka.

France ayaa wajihi doonta Spain kulanka semi-finalka koowaad ee Talaadada, halka Argentina ay la ciyaari doonto England semi-finalka labaad ee Arbacada.

Kooxaha ku guuleysta labadaas kulan ayaa u soo bixi doona final-ka Koobka Adduunka.

Siddeed ciyaaryahan oo Arsenal ah ayaa rajeynaya inay dalalkooda ku hoggaamiyaan guul si ay u gaaraan final-ka tartanka.

Saddex ciyaaryahan oo Arsenal ah oo kala ah Mikel Merino, Martin Zubimendi, iyo David Raya ayaa u safan doona Spain, halka William Saliba uu matali doono France.

Dhanka England, afar ciyaaryahan oo Arsenal ah oo kala ah Noni Madueke, Eberechi Eze, Declan Rice, iyo Bukayo Saka ayaa ka qeyb geli doona kulanka adag ee ay la leeyihiin Argentina iyagoo doonaya inay dalkooda u horseedaan final-ka Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga