Kooxaha Premier League Oo U Codeeyay Xeer Lagu Dhimayo Lacagaha Suuqa La Galiyo & 2 Kooxood Oo Diiday In Ay U Codeeyaan.

Kooxaha Premier League ayaa si ku meel gaadh ah ugu heshiiyey in ay la xadido lacagaha lagu kharash garaynayo suuqa kala iibsiga.

Xeerkan ayaa la macno ah in la dajin doono qiimo aan la dhaafi doonin marka laga hadlayo lacagaha suuqala galinayo, mushaharka xiddigaha iyo waliba lacagaha wakiilada xiddigaha.

Waxa la fahamnsan yahay in ay kooxaha Man United, Man City iyo Aston Villa diideen in ay u codeeyaan shardigaas halka ay ka aamustay.

Kooxaha ayaa mar kale isku soo laaban doona 14 bisha June si loo dhaqan galiyo cod kama dambays ahna loogu qaado.

Hadii ay dhamaan kooxaha haatan u codeeyay mar kale u codeeyaan waxa uu dhaqan gali doonaa bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga