Klopp Oo Sheegay Xiddig Muhiim U Ah Kooxdiisa Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Tottenham

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa Xaqiijiyay suurtagalnimada uu Virgil Van Dijk ku Seegi karo kulanka Adag ee ay Kooxdiisu la Ciyaari doonto kooxda Tottenham .

Liverpool ayaa Axada la Ciyaari Doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier league kana dhici doona Anfield.

“Van Dijk ma aanu joogin tababarkii kooxda shalay, waxaanu maanta xaadir ku noqon doonaa qaybo ka mid ah tababarka”ayuu Klopp yidhi

“Waa eegi Doonaa si aan u qiimayno xaaladiisa ka hor kulanka Tottenham”ayuu sii raacisay

Liverpool ayaa u baahan in ay ku Soo laabato wadada Guulaha premier league Kadib bar-barihii ay Gashay kulankii West Ham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga