Joško Gvardiol Oo Qiimeeyay Fursadaha Man City Ee Ku Guulaysiga Champions League Iyo Premier League.

Daafaca kooxda Man City ee Joško Gvardiol ayaa qiimeeyay Fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga premier League iyo champions League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa difaacanaysa premier League oo ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa ay u tartamaysaa champions League cusub.

Xiddiga Joško Gvardiol ayaa aaminsan in ay kooxdiisu xilli ciyaareedkan ku guulaysan karto tartamada premier League iyo champions League xilli ciyaareedkan.

“Xilli ciyaareedkan, waxaan jeclaan lahaa inaan kooxda ka caawiyo inay guulo ka gaaraan Champions League iyo Premier League, halkaasoo aan ku heli karno koobkii shanaad oo xiriir ah,” ayuu yiri Gvardiol.

Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka premier League halka ay sidoo kale ka mid tahay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga